Tartanka Dowlad-Goboleedyada oo dib loo dhigay kadib weerarkii baska ciyaartoyda Koonfur Galbeed

Image
Weerarka Baska ayaa sabab u noqotay dhaawaca tiro ciyaartooy ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ْXukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed oo ay maanta soo saartay ku sheegtay in dib loo dhigay tartankii maamul-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir muddo 3 maalmood ah.

War-saxaafadeed-ka ayaa lagu yiri: “Waxaan idinku wargalinaynaa in la hakiyay Cayaaraha Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo dib loo dhigay mudda 3 (Sadax) maalin ah, iyadoo la ciyaari doono ciyaarta ugu soo horaysa maalinta Talaadada oo taariikhdu ku began tahay: 16st January 2024”

Dib u dhacan ayaa yimid kadib markii Baska ciyaartoyda maamulka Koonfur Galbeed ay taageeryaasha xulka Galmudug ku weerareen waddooyinka magaalada Muqdisho, sida uu sheegay Tababar ku xigeenka xulka KG Cabdinuur Mayama.

Dhacdadan oo si weyn loo dhaliilay ayaa sabab u noqotay dhaawaca tiro ciyaaryahanno ah oo xulka ka tirsan, kuwaas oo isbitaal loo dhigay dhaawacyo dhexdhexaad ah iyo kuwo halis ah.

Xulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay inay isaga hareen tartanka, ka dib shir jaraa’id oo uu qabtay Wasiirka Isboortiga ee maamulkaas, Salmaan Cali, iyadoo tani ay tahay markii labaad ee sidaas loo weeraro.

Ilaa hadda ma jirto wax tallaabo ah oo ay qabanqaabiyayaasha tartankan ka qaadeen taageerayaashii weerarka geystay, mana jirto wax raalligelin ah oo rasmi ah oo la siiyay Xulka Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM