Tartanka Orodka Gaaban oo lagu qabtay Muqdisho [Arag Sawirro qurxoon]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta Muqdisho lagu qabtey Tartanka Orodka Gaaban, kaasoo ay soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Dhalinyarada iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Tartankan oo lagu qabtey wado 3.5-KM, laga soo billaabo Isgoyska Lambar Afar [KM-4] illaa Daljirka Daahsoon ayaa waxaa ku guuleystay wiil dhalinyaro ah Cabdinuur Maxamed Garaad, iyadoo kaalinta labaad ay gashay Maryama Nuux Muuse.

Wadooyinka Muqdisho oo horey u xirnaa, ayaa maanta amnigooda si aad ah loo adkeeyay, sababtoo ah Tartanka 'Mini-Marathon" oo ah sanadkii labaad oo lagu qabto caasimadda, oo hadda kasoo kabanaysa colaadii sokeeye.

Tartanka ayaa la qabtey saacado kadib markii Qarax Gaari uu ka dhacay afaafka hore ee Iskuulka Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye, oo ku yaalla degmada Xamar-Jajab, halkaasi oo ah wado ay isticmaalaan Madaxda sare ee dalka xilliga ay ka duulayaan Garoonka ama kasoo degaan.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa oo dhacay xalay fiidkii kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan labo qof, halka todobo kalena ay ku dhaawacmeen.

Qarax ayaa dhacay xili dhawaan Booliska ay soo bandhigeen sawirka gaari uu sheegay in lagu soo xiray walxaha qaraxa oo ku jira Muqdisho, iyadoo shacabka looga digay inuu ka feejignaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM