Tirada dadka ay DF Soomaaliya ka baareyso Coronavirus oo korodhay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay korodhay tiradda dadka illaa iyo haatan la hubinayo in ay qabaan cudurka dilaaga ah ee Coronavirus.

War-saxaafadeed maanta oo Khamiis ah kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in ay xanuunkaas ka baarayaan muwaadiniin tiradooda ay gaareyso afar.

Shaqsiyaadkaas oo dalka soo galay 10-kii illaa iyo 11-ka Maaj ee sanadkan 2020 laguna hakiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa lagu karan-tiilayaa goob gaar ah.

Caadiyan, muddo xili-huuriska caabuqa waxay ku suntan tahay 14 maalmood maadaama muddo todobaad ah aan laga dareemi karin shaqsiga astamaaha xanuunka dilaaga ah.

"Wasaaraddu waxay beenineysaa wararka lagu faafinayo baraha bulshadda ee la xiriira in cudurka uu soo galay waddanka," ayaa lagu yiri bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay GO.

Wallow aysan cid gaar ah magacaabin, wasaaraddu waxay hoosta ka xariiqdey "digniin ay u direyso dadka caadeystay baahinta wararka been abuurka ah ee la xiriira cudurka".

Cudurka Coronavirus oo kasoo bilowday Wuhan oo dalweynaha Shiinaha ka tirsan ayaa waxaa laga xaqiijiyey in ka badan 100 dal, iyaddoo kiisaska guud ahaan caalamka ay gaarayaan 180-kun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM