Tirada dadka lagu dilay qaraxyada Soomaaliya 2017-19 oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Warbixin cusub oo soo baxdey ayaa daaha ka rogtay tirada dadka ku dhintay qaraxyadda miinooyinka ee dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab kana howlgala Soomaaliya.

Bogga War on the Rockets ayaa wariyey in khasaaro ka badan 5,000 ay ka dhasheen qaraxyadda, halka qiyaastii 2,177 ay ku dhinteen mudadii u dhaxeysay sanadihii 2017-kii illaa iyo xagaagii 2019-kii.

Xoogaga hubeysan ayaa qaraxyadda inta badan waxay la eegtaan ciidamadda dowladda iyo mas'uuliyiinta, iyagoo badanaa kula beegsaday meelo ka baxsan caasimada iyo gudaheeda si lamida gobolada.

Sidda laga soo xigtay warbixinta mareega, sababta sanadihii ugu dambeeyay sarre u qaadey waxyeelada shacabka kasoo gaara qaraxyadda Al-Shabaab waa maandooyinka halista ah oo ay ka sameyso.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dartay in maandooyinkaas oo ay kamid yihiin Amooniyam Naaytareed ay kaga yimaadaan dibadda gaar ahaan waxay xogtu sheegeysaa in loosoo marsiiyo gudaha Yemen.

Kooxda la socodka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa warbixintooda 2019-kii waxay kusoo jeediyeen baahida loo qabo dabagal culus oo lagu sameeyo kaamikooyinka halista ah ee kooxda haleyso.

"Beesha Caalamka waa in ay kordhisaa awoodeeda ay kula falgaleyso [ama xayiraad kusoo xogtaa] kiimikooyinkan sidda joogta ah u soo galeysa laguna fashilmay in laga hortago," ayuu ku daray bogga.

Al-Shabaab oo gacansaar la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa lacagta baada ah oo ay ka qaadato meelo ay kamid tahay Muqdisho waxay u adeegsataa in ay ku maalgeliso howlgaladeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM