Tirada dadka lagu dilay qaraxyada Soomaaliya 2017-19 oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Warbixin cusub oo soo baxdey ayaa daaha ka rogtay tirada dadka ku dhintay qaraxyadda miinooyinka ee dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab kana howlgala Soomaaliya.

Bogga War on the Rockets ayaa wariyey in khasaaro ka badan 5,000 ay ka dhasheen qaraxyadda, halka qiyaastii 2,177 ay ku dhinteen mudadii u dhaxeysay sanadihii 2017-kii illaa iyo xagaagii 2019-kii.

Xoogaga hubeysan ayaa qaraxyadda inta badan waxay la eegtaan ciidamadda dowladda iyo mas'uuliyiinta, iyagoo badanaa kula beegsaday meelo ka baxsan caasimada iyo gudaheeda si lamida gobolada.

Sidda laga soo xigtay warbixinta mareega, sababta sanadihii ugu dambeeyay sarre u qaadey waxyeelada shacabka kasoo gaara qaraxyadda Al-Shabaab waa maandooyinka halista ah oo ay ka sameyso.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dartay in maandooyinkaas oo ay kamid yihiin Amooniyam Naaytareed ay kaga yimaadaan dibadda gaar ahaan waxay xogtu sheegeysaa in loosoo marsiiyo gudaha Yemen.

Kooxda la socodka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa warbixintooda 2019-kii waxay kusoo jeediyeen baahida loo qabo dabagal culus oo lagu sameeyo kaamikooyinka halista ah ee kooxda haleyso.

"Beesha Caalamka waa in ay kordhisaa awoodeeda ay kula falgaleyso [ama xayiraad kusoo xogtaa] kiimikooyinkan sidda joogta ah u soo galeysa laguna fashilmay in laga hortago," ayuu ku daray bogga.

Al-Shabaab oo gacansaar la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa lacagta baada ah oo ay ka qaadato meelo ay kamid tahay Muqdisho waxay u adeegsataa in ay ku maalgeliso howlgaladeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM