Tirada dhimashada ee toogashadii duleedka Muqdisho oo korortay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan sagaal ruux – lix dumar ah iyo saddex rag ah – ayaa ku dhimatay toogasho ay koox hubeysan maanta ka geysteen degaanka Lafoole ee duleedka Koonfur Galbeed ee Muqdisho.

Maxamed Ibraahim Barre, gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa xaqiijiyay in dadka la laayey ay ku guda jireen waqtiga uu falku dhacayey howlo nafaadeed oo ka wadeen wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

"Dadka la xasuuqay waa 9 qof. Lix haween ah, 3 rag ah. Dabley hubeysan ayaa u timid oo mid-mid u toogtay iyagoo wadada nadiifinaya kana jarayay geedadka ku yaalla hareeraha jidka," ayuu yiri Gudoomiyha.

Maxamed oo dhacdadaan argagaxa abuurtay ka tacsiiyey isla markaana si adag u cambaareeyay ayaa ku eedeeyay in ay dambeysay Al-Shabaab.

"Waa nasiib daro in dad aan waxba galabsan oo masaakiin ah la dilo…cid kala ma sameyn karto sidaan waa Al-Shabaab, waana noocii ugu xumaa oo khawaariij-nimada," ayuu Maxamed ku daray hadalkiisa.

Illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacadaan oo kasoo baxay madaxda dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed oo uu hoos-tago degaanka ay dhibtu ka dhacday.

Horaantii bishaan ayey ahayd markii isla degaanka Lafoole ay Al-Shabaab ku gubtay gaadiid dhuxul-sidday isla markaana ay toogasho ku dishay dadkii saarnaa, oo tiradooda lagu sheegay 4 ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM