Tirada rayidka uu Mareykanka ku dilay Soomaaliya tan iyo 2004-tii

Image

WASHINGTON, US – Mareykanka waxaa hareeyay eedeymo culus oo la xiriira in duqeymaha uu Soomaaliya kula beegsado argagixisada ay waxyeelo kasoo gaaraan dad shacab ah, wallow uu dhowr jeer "dafiray".

Hay'ad warbaahineed oo fadhigeedu yahay UK ayaa soo bandhigtay tiradda rayidka ku dhintay howlgalada cirka ee Mareykanka, laga soo bilaabo bishii Janaayo sanadkii 2004-tii illaa iyo Febraayo, 2020.

Tiraddaan, sidda ku xusan warbixinta, waxay isugu jirtaa qaar ay Washington qiratay iyo kuwa kale oo gebi ahaanba ay iska fogeysay.

Bureau of Investigative Journalism ayaa diiwaan-gelisay in mudadaas ay duqeymaha Mareykanka ku geeriyoodeen 58 ruux.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in aysan Mareykanka kula xisaabtami yareynta khasaaraha shacabka inta lagu guda jiro howlgalada milatari.

Ehelada aan wali loo baarin kiisaskooda ayaa cod dheer ku dalbanaya in ay cadaalad u helaan dadkii ay jeclaayeen ee laga khaarijiyey.

Inta badan duqeymaha Mareykanka ayaa ka dhaca koonfurta Soomaaliya, waxaana bartilmaameedka uu yahay Al-Shabaab iyo Daacish.

Taliska Mareykanka ee Afrika oo ku adkeystay in ay diyaar u yihiin in lagala xaajoodo sheegashooyinka waxyeelada shacabka ayaa bartooda Internet ka sameeyay bog ay dadka kusoo gudbiyaan cabashada.

Sidda laga soo xigtay ACLED, tan iyo 2012-kii xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa galaaftay 26-kun oo ruux. Tiradaas waxaa saddex kun iyo saddex boqol oo kamid ah ay yihiin shacab aan waxba galabsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM