Tirada saraakiisha Tigray ee hubka looga dhigay Soomaaliya oo korortey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Tan iyo markii uu qarxay dagaalka ka aloolsan waqoyga waddanka Itoobiya, waxaa xukuumadda Addis Ababa ay bilowday in ay meel walba ku beegsato saraakiisha kasoo jeeda ismaamulka Tigray.

Soomaaliya ayaa kamid noqotay goobaha ugu horeeya ee xariga iyo hubka ka dhigista lagu sameeyay saraakiisha u dhalatay qowmiyaddaas. Illaa haatan, xukuumadda Muqdisho kama hadlin dhaqdhaqaaqaas.

Sidda ay ku warantay wakaaladda wararka Reuters, dowladda Itoobiya ayaa dhamaan ciidamadeeda kaga jira howlgaladda nabad-ilaalinta ee Qaramadda Midoobay waxay ka sifeyneysaa saraakiisha reer Tigray.

Illo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa intaas ku daray in saraakiishaas dib loogu celinayo Addis Ababa. Balse ma cadda goobta la dejiyey. Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa waxay walaac ka muujisay beegsiga gaarka.

Wargeyska Foreign Policy ayaa mas'uuliyiin ka tirsan UN-ka wuxuu kasoo xigtey in ay ka cabsi qabaan in jirdil iyo dil loo geysto saraakiisha oo laga soo kala kaxeeyay howlgaladda Suudaan, South Suudaan iyo waliba Soomaaliya.

Sidda ay muujinayaa warbixinadda, tiradda saraakiisha Tigray ee gudaha Soomaaliya hub ka dhigista iyo xariga la isugu daray ayaa dhan 200-300. Magaaladda Baydhabo waa halka ugu daran ee xariga ka dhacay.

Billene Seyoum, afhayeenka xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, ayaa difaacay beegsigooda saraakiisha Tigray. Balse ma uusan bixin tafaasiil.

Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo taliska AMISOM ayaan wali ka hadlin arrimahaan. Xiriiro uu Garowe Online la sameeyay kama jawaabin.

Dowladda Soomaaliya ayaa si buuxda waxay u taageertay howlgalka ay dhigeeda Itoobiya ku qaadey ismaamulka Tigray. Dhawaqaas uu madaxweyne Farmaajo sameeyay waxay timid kadib cadaadis kaga yimid maamulka Abiy Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM