Tirada Soomaalida Kenya oo sii kordhaysa

Image

NAIROBI - Bulshada Soomaalida Kenyaanka ayaa tiradoodu kordhaysaa sanad kasta.

Tirakoobkii ugu danbeeyay ee 2019 laga sameeyay Kenya ayaa lagu sheegay in Soomaalida Kenyaanka ah ay ku dhawdahay tiradoodu 3 malyan oo qof isla markaana ay yihiin qowmiyada sadexaad ee dalkaas.

Balse Maxamed Guuleed "Simba" Gudoomiye xigeenkii hore ee maamulka Isiolo ee dalkaasi ayaa ku doodaya in soomalidu ay noqon karto bulshada labaad ee dalkaasi.

"Waxaan rumeysnahay anigu in Soomaalidu ay noqon karto bulshada labaad ee dalka marka la eego baaxadda bulshadeena".

Sanadahaan danbe ayaa sidoo kale waxaa si xowli ah u kordhay maalgeshiga Soomaalida ee gudaha Kenya gaar ahaan ganacsiyada Dhulka iyo guryaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM