Tirada weerarada Al-Shabaab tan iyo markii la aas-aasay oo la shaaciyey

Image

LONDON, UK – Al-Shabaab ayaa fulisay in ka badan toban kun oo weerar tan iyo markii la aas-aasay, sidda ay warbixin ku sheegtay hay'ad tirakoobta khasaaraha rayidka ee goobaha colaadaha ka jiraan.

Al-Shabaab ayaa 2004-tii waxaa aas-aasay Axmed Godane, oo 2014-tii Mareykanka duqeyn cirka ah uu ku dilay duleedka Baraawe, oo katirsan Shabeellaha Hoose.

ACLED, ayaa xustay in ku dhowaad 300 oo kamid ah weeraradii ay kooxda fulisay laga bilaabo 2007-dii ay ka dhaceen gudaha Kenya.

In ka badan afar kun (4,000)o ruux oo shacab ah ayaa ku dhimatay weerarada Al-Shabaab tan iyo 2010-kii, sidda lagu ogaadey baaritaanka.

Inta badan dadkaan rayidka ah ayaa lagu dilay gudaha Soomaaliya, wallow ay jiraan tirro-yar oo ku geeriyoodey weeraro ka dhacay Kenya, Uganda iyo Djibouti.

"In ka badan saddex kun oo kamida geerida rayidka ayaa la diiwaan-geliyey tan iyo 2015-tii, taasoo ka dhigan in sanadihii u dambeeyay ay sare u kacday khasaaraha shacabka," ayay ACLED ku tiri warbixinta.

ACLED waxay tilmaantay in qiimeynteeda ay muujineyso in dilalka, afduubka, weeraradii ismiidaaminta iyo dhacdooyin kale ay kamid yihiin waxyaabaha sida tooska ah u sababay dhimashada shacabka.

Xog-uruurinta la sameeyay ayaa lagu tilmaamay "middii ugu saameynta badnayd, oo lagu soo bandhigo dhibaatada shacabka".

Warbixinta ayaa imaaneysa iyaddoo Al-Shabaab ay dhowaan qirtay in shacab khasaaro kasoo gaartey weerarkii 28-kii December, 2019 ka dhacay isgoyska Ex-kontarool Afgooye.

Sidoo kale, Mareykanka ayaa 2019 fuliyay duqeymihii ugu badnaa gudaha Soomaaliya kuwaasoo lala eegtay AlShabaab iyo Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM