Uganda oo ku dhawaaqay tiradda askar ay u soo direyso Soomaaliya

Image

KAMPALA, Uganda – Taliska Ciidamadda Uganda ayaa ku dhawaaqday in 12-ka bilood ee soo aadan ay Soomaaliya u soo dirayaan 2,414 askari. Cutubyaddan waxay ku biirayaan howlgalka AMISOM.

Jeneraal David Muhoozi, taliyaha guud ee ciidamadda, ayaa shaaciyey in askartan ay qayb ka noqon doonan dedaaladda nabadeynta Soomaaliya iyo tababaridda la siinayo ciidamadda xoogga Soomaaliyeed.

Muhoozi, oo la hadlayey askarta, ayaa ku waaniyey in marka ay tagaan Soomaaliya xoogga saaraan badqabkooda, ka go'naanshiyaha shaqadda ay hayaan iyo wada shaqeyntooda.

"Ciidamadda waxaa laga doonayaa in aad u noolaataan si wanagasan, qoyskiina iyo dalkiina ka war-qabtaan. Waxaa mas'uuliyad idinka saaran yahay ilaalinta caafimaadkiina," ayuu raaciyey taliyaha.

Jeneraalka ayaa ku booriyey askarta in ay ilaaliyaan akhlaaqlooda inta ay ku guda jiraan howlgaladda AMISOM "si looga mirodhaliyo waajibaadka taliska hoostaga Midowga Yurub".

"Askarigii ku kaca falal edab-darro ah wuxuu la kulmi doonaa ciqaab daran oo ku saleysan shuruucda howlgalka," ayuu ku daray.

AMISOM ayaa Soomaaliya ka howlgaleysa tan iyo 2007-dii. Ciidamadda Uganda ayaa si gaar ah ugu xil-saaran ilaalinta xafiisyadda howlgalka Qaramadda Midoobay ee magaaladda Muqdisho.

Cutubyadda ayaa qayb ka ah tababarka ay bixiyaan saaxiibadda caalamka ee Midowga Yurub iyo Mareykanka, oo diyaarinaya askar Soomaaliya oo mas'uuliyadda amniga dalka la wareega 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM