Tiradda ciidamadda kumaandooska Danab oo la kordhinayo

Image
Mareykanka ayaa sheegay in askartan tiradooda la gaarsiin doono 3,000 bilaha soo aadan.

WASHINGTON, USA - Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah waxa ay ugu dhawaaqdey in bilaha soo aadan ay tiradda askarta kumaandooska Danab ay gaarsiin doonto saddex kun (3,000).

Molly Phee, kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika, ayaa hadalkan waxa ay ka sheegtay munaasabadii lagu saxiixay heshiiska lagu dhisayo saldhigyadda cusub.

"Dhowr bilood gudahood waxaan rajeyneynaa in aan ku gaarno 3,000 oo askari oo Danab ah oo la hiigsanayay tan iyo sanadka 2017. Sidoo kale Danab waxaa loo diyaarinayaa inay la wareegto howlo badan oo muhiim ah oo loo baahan yahay si loo joogteeyo loona kobciyo ciidamada, waxayna durba qaadaneysaa mas'uuliyad weyn," ayay tiri.

Phee oo xaflada ka hadlay ayaa waxa ay carabka ku adkeysay in Mareykanka uu taageero dowladda Soomaaliya si ay ciidamadooda ugala wareegaan goobaha ay haystaan Al-Shabaab.

"Waxaan aqoonsannahay in ku-tiirsanaanta ku-meel-gaarka ah iyo inta badan xerooyinka aan ku filneyn ay carqaladeeyaan diyaargarowga Danab ayna ka dhigan tahay caqabad ku ah sii jiridda iyo korriinka guutada," ayay tiri.

Waxay raacisay: "Hadafkeena aan wadaagno waa in [Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed] ay si buuxda u maamulaan howlgallada saldhigyada marka la dhammeeyo tas-hiilaadka, is-afgaradku wuxuu bixinayaa kaliya naqshadeynta si taas loo sameeyo".

Waxay sheegtay in heshiiska is-afgaradka ah ee lagu dhisayo saldhigyada "ay ka tarjumayso kalsoonida aan ku qabno mustaqbalka Danab iyo baaxadda maalgashiga aan ku samaynayno ammaanka Soomaaliya".

Xerooyinkan ciidan oo gaaraya illaa shan ayaa waxaa laga kala dhisayaan magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Dhuusomareeb, Jowhar iyo Kismaayo taasoo ka reebeysa Puntland iyo Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM