Khasaaraha dhimasho ee is-miidaamintii Sayidka oo la shaaciyey

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha qarax xoogan oo Arbacadda maanta ah ka dhacay Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Saraakiisha ammaanka ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in weerarka oo ahaa is-miidaamin uu ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalo madaxda.

Goobta falka laga soo wariyey oo ka akdhow bar-kontarool oo laga ilaaliyo amniga xarumo dowladeed oo muhiim ah ayaa aalaaba ah mid mashquul badan.

"Xiligga uu qaraxu dhacayey waxaa saf ku jiray gaadiid badan oo doonayey in ay gudbaan," ayuu yiri sarkaal ka tirsan bileyska, oo magaciisa ka gaabsaday.

Dhismeyaasha dowladeed ee muhiimka ah ee kontaroolka ku dhow waxaa kamid ah Madaxtooyadda iyo baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

"Inkastoo ay kordhi karto, illaa iyo haatan waxaan xaqiijinay geerida afar qof," ayuu ku daray sarkaalka, xogtiisa ay ku saleysan tahay meydadka meesha lagu arkay.

Al-Shabaab ayaa tan iyo 2011-kii, oo Muqdisho laga saarey, waxay inta badan dusha saarataa dhacdooyinka noocaan ah oo khal-khal geliyay xasiloonida magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM