Tiradda danjireyaasha uu sanadkan 2019 qaabilay Farmaajo

Image

MUQDISHO, 2019 – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabilay 13-safiir tan iyo bilowgii sanadkan sii idlaanaya ee 2019, sidda ku cad liis ay soo bandhigtay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Danjireyaasha aqoonsiga laga gudoomay ayaa ka kala socda dalalka; Ruushka, Sweden, Austria, Italy, Japan, Nigeria, Canada, India, Indonesia, Britain Bahrain, Burundi iyo Masar.

Villa Soomaaliya oo war-saxaafadeed kooban soo saartay ayaa xustay tani in ay muujineyso "dib u soo laabashada maqaamka dalka ku leeyahay caalamka".

"Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in lasii xoojiyo xiriirka wanaagsan ee aanu la leenahay dalalka Gobolka, kuwa qaaradda iyo guud ahaan caalamka," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Hase ahaatee, qaar kamid ah diblumaasiyiintan ayaanan ku lahayn magaaladda Muqdisho joogitaan buuxa, sababtoo ah waxay dalalkooda sidoo kale wakiil uga yihiin qaar kamida wadamada deriska.

Intaas waxaa wehlisa in safiiradda qaar ay degan yihiin huteelo, maadaama aysan ku lahayn safaaradda caasimadda, waxayna cuskadaan isku haleyn ammaan oo aan jirin.

Ammaanka, xiriirka maamul goboleedyadda iyo doorashooyinka sanadka dambe ee 2020-ka ayaa kamid ah caqabadaha waaweyn ee horyaala dowladda Farmaajo ee mudada xileedku gabaabsi ka yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM