Tirokoob lagu sameeyay "rayidka uu Mareykanka ku dilay Soomaaliya"

Image

WASHINGTON, US – Hay’adda Amnesty International ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay waxay uga hadashay tirokoob ay ku sameysay tiradda rayidka uu Mareykanka ku dilay Soomaaliya, sagaalkii bilood ee u dambeysay.

Tan iyo sanadkii 2017-kii, duqeymaha uu Mareykanka la beegsado Al-Shabaab iyo Daacish ayaa kordhay, iyadda oo 2016-kii ay gaareen 14; halka sanadkii xigay ee 2018-kii ay kor u dhaafeen ugu yaraan 47 howlgalka oo cirka ah.

Kaliya sideeda bilood ee sanadkan 2019-ka, Mareykanka ayaa waxa uu dhaafay iskoorkii 2018-kii, waxaana uu fuliyay 48 duqeymo, kuwaasi oo ay qaadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drones-ka.

Baaritaanka Amnesty International ayaa waxaa diiradda lagu saarey shan weerar oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose tan iyo bishii April ee 2017-kii.

Natiijadda kasoo baxday baaritaanka ayaa noqotay in 14 ruux oo shacab ah lagu dilay weeraradaas ayna ku dhaawacmeen in ka baddan sideed ruux

"Afar kamid ah duqeymahaas waxaa mas'uul ka ahaa Mareykanka, halka shanta kale ay ka dhasheen duqeymaha Mareykanka," ayaa lagu yiri.

"Afar kamid ah duqeymahaas waxaa mas'uul ka ahaa Mareykanka, halka shanta kale ay ka dhasheen duqeymaha Mareykanka," ayaa lagu yiri.

Taliska Mareykanka ee qaaradda Africa [AFRICOM] ayaa wuxuu aalaaba sheegaa in howlgaladooda aysan ka dhalan khasaaro rayid soo gaarey.

"Balse taasi ma ahan xaqiiqadda, waxaana jira waxyeelo shacab soo gaara oo u baahan baaritaano dhaxal-gal ah," ayay baareyaasha sheegeen.

Saddexdii sano ee lasoo dhaafay, Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyey in ka badan 120 weerar oo dhanka hawadda ah, waxaana sanad walba isa soo taraya dhimashadda dadka shacab aah soo gaareysa.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay si cad ugu guuldareysatay in ay baarto sheegashooyinka ku saabsan khasaaraha shacabka oo ka imaanaya qoysaska.

Sikastaba ha ahaatee, duqeymaha Mareykanka ayaa inta badan ka dhaca tuulooyinka fog-fog ee gobolada dalka, halkaasi oo ay ku yar tahay joogitaanka laamaha dowladda, ayna ku xoogan yihiin kooxaha argagixisadda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM