Tirrada kiisaska iyo geerida Covid-19 ee Soomaaliya oo korortay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaarada Caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in 20 kiis oo cusub ay kusoo kordheen xaaladaha xanuunkaas ee laga soo wariyey Muqdisho.

War-saxaafadeedkan uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa intaas ku daray in saddex qof oo kale ay u dhinteen fayruskaas dilaaga ah.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in tiradda guud ee kiisaska ay gaartay 80; intaas waxaa wehlisa in dhimashada ay tahay shan.

Hoos ka akhriso bayaanka oo dhan

Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada iyadoo gudanaysa waajibka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba waxii kasoo kordha xaalada Caabuqa COVID-19, waxay idinla wadaagaysaa qodobadan:

> Kadib baaritaan xaqiijineedyo cusub oo la sameeyay 24kii saacadood ee dumabaysay, waxaa soo kordhay 20 xaaladood oo cusub, taas oo ka dhigaysa tirada guud ee xaaladaha la xariira Caabuqa COVID-19 80 xaaladood.

> Waxaan bulsahda kula dardaarmaynaa inay taxadaraan, guryahoodana joogaan dadka da’da ahna si gaar ah uga taxdaraan.
> Haddii aad isku aragto calaamadaha Caabuqa COVID-19, isku karatiil meel gaar ah, kana fogow xubnaha kale ee qoyska, lana xariir 449 si laguu siiyo talo caafimaad.

Tirada guud kiisaska la xaqiijiyay: 80

Kiisaska cusub maanta: 20

Tirada Bogsootay: 2

Tirada Dhimashada: 5


Xukuumadda ayaa bandow habeenkii ah kusoo rogtay caasimada dalka Muqdisho, kaas oo qeyb ahaan dhaqan-galay, iyaddoo aan ciidamo lagu arkin dhamaan waddooyinka waaweyn ee magaala madaxda.

MUUQAALKA WASIIR FOOWZIYA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM