Tobanaan Ergo ah una hogaansamay amarkii AlShabaab oo la xiray

Image

JOWHAR, HirShabelle – Ciidamada ammaanka ayaa waxaa lagu waramayaa in ay gobolka Shabeellaha Dhexe ku qabqabteen ergo oo kamid ah kuwii dhowaan u hogaan-samay amarkii Al-Shabaab.

Saraakiisha oo tiradda xubnahan ku sheegay 50 ruux, kuwaasi oo isugu jira rag iyo dumar, ayaa tibaaxay in ay ku xireen degaanka Ceel Baraf xili ay kasoo laabteen tuulada Aadan Yabaal ee gobolkaas.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay HirShabelle oo ku aadan talaabadda xigta oo laga qaadayo odayaasha oo ah kuwa soo xulaya baarlamaanka haatan shaqeeya ee Soomaaliya.

Bishii hore, magaaladda Beledwayne, waxaa xabsi loogu taxaabay odayaal dhaqameedyo u tegay kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida, kuwaasi oo la sheegay in maxkamad lasoo taagayo.

Al-Shabaab ayaa horey u soo saartay amar ay ku fareyso ergooyin in ay u yimaadan kadibna ay is-diiwaan geliyaan si ay uga badbaadan in ay khaarijiyaan, sidda ay hadalka u dhigeen.

Warbaahinta ayaa ku warameysa in ergooyinkan markii ay u tageen ururkaasi dharka laga bedelay, kadibna loo qabtay wax loogu yeeray aqoon-karorsi kahor inta aan heshiis lala gelin.

Laamaha amniga ayaa rumeysan in sababta ay Al-Shabaab ugu yeertay ergada ay tahay in ay ka qaadan dhaqaale ay ku iibsadaan hub, maadaama ay soo food-saartay dakhli iyo ciidan yari.

Wargeyska The Star ee Kenya ayaa dhowaan qoray in odayaasha qaarkood ay u ogolaadeen AlShabaab in ay u soo xulaan Xildhibaano ku metela doorashadda soo aadan ee sanadka 2020-ka.

Sikastaba, xariga ergadan ayaa kusoo aadeysa xili ay AlShabaab mar kale soo bandhigtay tiro kale oo odayaal ah, kuwaasi oo ay sheegtay in ay cafis u fidisay, dibna ugu laaban doonan degaanadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM