Tobanaan lagu dilay dagaal dhexmaray ciidamo iyo Al-Shabaab

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Tobanaan ayaa ku geeriyootay dagaal dhexmaray ciidanka Soomaaliya iyo Al-Shabaab, Isniinta maanta ah.

Warbaahinta dowladda ayaa ku warameysa in 20 kamid ah Al-Shbaab lagu dilay, 30-kelana lagu dhaawacay intii uu socday iska hor-imaadka.

Is-rasaaseynta ayay askarta ku qabsadeen Goofgaduud oo ku dhow Baydhabo, oo ah magaalo 250 KM dhanka Koonfur Galbeed ka xigta Muqdisho.

"Ciidamadda dowladda waxay dib u qabsadeen tuulada markii ay Al-Shabaab si kooban u haysatay saacado," ayuu yiri qof kamida dadka degaanka.

Dhinaca kale, xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida oo guulo ka sheegatay isku dhaca ayaa tibaaxday in ay dishay saraakiil kuna furatay saanad.

Goofgaduud ayaa qiyaastii 30 KM dhanka Galbeed ka xigta caasimadda ku meel gaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

Sikastaba, Al-Shabaab ayaa joogitaan badan ku leh gobolada hoostaga Koonfur Galbeed, wallow ay socdaan howlgalo balaran oo la doonayo in lagu cirib-tiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM