Tobaneeyo ka tirsan AS oo lagu dilay degmada Galhareeri

Image
Xubnaha lagu dilay weerarka ayaa ka mid ah horjoogayaal iyo kuwoo ajaanib ah

Galhareeri, Soomaaliya - Ciidanka NISA iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Galhareeri oo ah xarunta ugu weyn ee ‘AS’ ku leedahay Gobollada Dhexe.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu dilay 30 ka mid ah xubnaha ‘AS’, halka ay ku dhaacwacmeen 20 kale, waxaana kuwa la dilay ka mid ahaa horjoogayaal iyo xubno ajaanib ah, sida ay shaacisay hay’adda NISA

War-murtiyeed ay soo saareen NISA ayaa lagu yiri: “Howlgalkan ayaa lagu beegsaday xarunta Idaacadda Andulus, xarun lagu farsameyo qaraxyada, xarunta maaliyadda ee degmada Galhareeri, guri ay daganaayeen horjoogeyaal ka tirsan “AS” gaar ahaan kuwa sameeya Filimada ee lagu magacaabo Al-Kataa’ib, guri uu deganaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka gobolka Sh. Dhexe iyo guryo ay ku shiri jireen Jabhadaha “AS”.

Hawlgalkan ayaa qeyb ka ah qorshaha Dowladda ay kula wareegayso deegaanada ay AS ku leeyihiin Dowlad-Goboleedka Galmudug, gaar ahaan Bariga gobolka Galgaduud iyo koonfurta Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM