Tobaneeyo ka tirsan AS oo lagu dilay degmada Galhareeri

Image
Xubnaha lagu dilay weerarka ayaa ka mid ah horjoogayaal iyo kuwoo ajaanib ah

Galhareeri, Soomaaliya - Ciidanka NISA iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Galhareeri oo ah xarunta ugu weyn ee ‘AS’ ku leedahay Gobollada Dhexe.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu dilay 30 ka mid ah xubnaha ‘AS’, halka ay ku dhaacwacmeen 20 kale, waxaana kuwa la dilay ka mid ahaa horjoogayaal iyo xubno ajaanib ah, sida ay shaacisay hay’adda NISA

War-murtiyeed ay soo saareen NISA ayaa lagu yiri: “Howlgalkan ayaa lagu beegsaday xarunta Idaacadda Andulus, xarun lagu farsameyo qaraxyada, xarunta maaliyadda ee degmada Galhareeri, guri ay daganaayeen horjoogeyaal ka tirsan “AS” gaar ahaan kuwa sameeya Filimada ee lagu magacaabo Al-Kataa’ib, guri uu deganaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka gobolka Sh. Dhexe iyo guryo ay ku shiri jireen Jabhadaha “AS”.

Hawlgalkan ayaa qeyb ka ah qorshaha Dowladda ay kula wareegayso deegaanada ay AS ku leeyihiin Dowlad-Goboleedka Galmudug, gaar ahaan Bariga gobolka Galgaduud iyo koonfurta Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM