Tobban looga shakisan yahay Al-Shabaab oo gacanta lagu dhigay

Image

JOWHAR, Soomaaliya – Ciidanka amaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey in ay gobolka Shabeellaha Dhexe ku qabteen tobban qof oo looga shakisan yahay in ay xubin ka yihiin AlShabaab.

Axmed Maxamed Tareedisho, oo kamid ah saraakiisha xoogaga dowladda, kaasi oo u waramay BBC Soomaali ayaa shaaciyey in raggan laga xiray wadada u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar-Balcad.

Sidda laga soo xigtay Tareedisho, shaqsiyaadkan ayaa waxaa gacanta lagu soo dhigay kadib howlgalo kala duwan oo ay qaadeen milatariga.

"Howlgalada waa ay sii socon doonan, warbixinna waan kasoo saari doonaa, hadii uu ALLE raali ka nqodo," ayuu mar kale u sheegay GO.

Sabtidii ayey ahayd markii duleedka Balcad, gaar ahaan tuulada Gololey lagu khaarijyey gudoomiye ku xigeenkii gobolka, wasiir hore iyo dad kale, kadib qarax miino oo lagu beegsaday.

Axadii, weerar kale oo lagu ekeeyay kolanyo ka tirsan howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa lagu naf-gooyey 12 askari xili ay ku dhaawacmeen tirro kale.

Sidda laga soo xigtay xog uruurin la sameeyay, in ka badan tobban qarax ayaa AMISOM lagula eegtay jidkaasi, taasi oo ka dhigeysa mid kamid ah meelaha ugu badan ee uu khasaaraha kasoo gaaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM