Toogasho ka dhacday degmada Af-gooye

Image

AFGOOYE, Somalia- Kooxo hubaysan, oo aan wali heebtooda la aqoonsan ayaa xalay fiidkii degmada Afgooye ku dilay mid kamid ah Ergadii Xildhibaanada Federaalka kusoo dooratay magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

Goob joogayaal ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in Labo nin oo bastoolado ku hubaysan ay marxuumka dhintay oo ahaa Oday, ku toogteen Goob Ganacsi oo uu ku lahaa Xaafadda Buundada-yar ee degmada Afgooye.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Haabil Abuur Abow, wuxuuna kamid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed uga mid noqday Baarlamaanka cusub ee Somalia.

Dilka Haabil Abuur Abow wali ma jirto cid sheegtay Mas'uuliyadiisa, ama ay ciidamada amniga usoo qabteen, hase yeeshee waxa uu qeyb ka noqonayaa Dilal beegsi ah oo maalmahan loo geysanayo Odayaasha soo xushay Xildhibaanada Baaralamaanka.

Sidoo kale, Mas'uuliyiinta maamulka Afgooye kama aysan hadlin dilka Haabil, oo ahaa Ganacsade iyo Oday si aad ah looga yaqaaney deegaanka.

Kooxda Al shabaab ayaa horey ugu hanjabtay inay dilayaan Odayaasha ka qeyb-gashay Doorashadii Xildhibaanada lagu soo doortay Caasumadaha maamul goboleedyada dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM

Laftagareen oo Baydhabo ka bilaabay kulamo ku saabsan “faragelinta” dowladda Federaalka

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in xiriirka u dhexeeya labada heer ee dowladda uu noqdo mid ku dhisan ixtiraam iyo wada-tashi dhab ah.

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 12:28PM