Toogasho ka dhacday Muqdisho iyo Wararkii u dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Toogashadan oo ka dhacday Suuqa wayn ee Bakaaraha ayaa waxaa loo geystay Labo dhalinyaro ah, kuwaasoo ay dileen ciidanka Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, sida ay sheegeen Goobjoogayaal.

Labada shaqsi ah ee la toogtey ayaa waxaa la sheegayaa inay ku hubeysnaayeen Bastoolado, islamarkaana ciidamada NISA markii ay arkeen ay ku toogteen Bartamaha Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan nawaaxiga dhismaha Dahabshiil.

Labadda ruux ee la toogtey ayaa waxay kamid ahaayeen Afar dhalinyaro hubaysan, oo ciidamada dowlada iyo iyaga uu dagaal kooban uu ku dhex-maray Gudaha Suuqa Bakaaraha, sida ay xaqiijiyeen maamulka degmada Howl-wadaag.

Lama oga dhinac ay ka tirsanaayeen Ragaan – Al-Shabaab ama Daacish, kuwaasi oo mas'uul ka ah dilal kala duwan oo ka dhacay isla suuqaan oo ah midka ugu wayn guud ahaan Soomaaliya.

Meydadka ragaan ayaa waxaa laga qaaday goobta, iyadoo la geeyay xarunta degmada Howl-wadaag halkaasi oo looga sii qaaday  xarunta dambi baarista ee CID-da, si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in labadii kale ee la socday ragaan ay ka baxsadeen goobta, iyadoo laamaha amaanka ay sheegeen inay ku daba jiraan, islamarkaana ay sooo qaban doonaan.

Wasiirka amniga Soomaaliya, Maxamed Abuukar ayaa warbaahinta afka dowladda ku hadasha u sheegay in labada nin ee ay Ciidamada ku dileen Suuqa Bakaaraha ay ahaayeen xubno katirsan Al Shabaab.

Maalmihii u dambeeyay dilalka dhowr ah ayaa ka dhacay caasimada, waxaana falkaan uu noqonayaa midkii ugu horeeyay oo ay ciidamada dowlada ku toogtaan Dhagar-qabayaan maleegayey dil, tan iyo markii la galay bisha Barakaysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM