Toogasho ka dhacdey Xalane oo lagu dilay askar u dhalatay Uganda

Image
Falkan oo lasoo wariyey in uu dhacay subaxnimadii Isniinta todobaadkan ayaa baaris lagu bilaabay.

KAMPALA, Uganda - Baaritaanno la xiriira qaabkii uu askari ka tirsan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) uu subaxnimadii Isniinta ku dilay saddex kamid ah ayaa bilowday.

Toogashada ayaa ka dhacday xarunta ugu weyn ee ciidamada Uganda ee xerada Xalane ee magaalada Muqdisho. Afhayeenka ciidamada Uganda Felix Kulaigye ayaa BBC u xaqiijiyay dhacdada iyo xariga askariga.

Kulaigye oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu si cad carabka ugu adkeeyay in ay aaminsan yihiin in toogashadda askariga koowaad ay ahayd mid ku talogal ah. Balse, ma shaacin sababta keentay.

"Askarta kale ayaa markii hore mooday in saldhigooda la soo weeraray," ayuu raaciyey. "Waxaa ay sameeyeen wax kasta oo daruuri ahayd marka xaalad noocaas ah ay timaado.

Dhibbanaha labaad ayaa saddex xabbadood lagaga dhuftay madaxa, isagoo isku dayayay inuu ogaado waxa dhacaya. Askari saddexaad ayaa dhabarka laga toogtay isagoo isku dayay inuu baxsado.

Toogashada ayaa joogsatay kaliya markii uu askari dilka geystay "farta ku fiiqay oo hub ka dhigis lagu sameeyay," sidda laga soo xigtey afhayeenka oo xog dheeraad ah aanan bixin.

Waa dhacdadii ugu horreysay oo oo nooeceeda ah taasoo muddo muddo dhowr sano kadib laga soo wariyo gudaha Soomaaliya oo ay ku lug yeeshaan askar Ugandan ah.

Dhacdo tan la mid ah ayaa lasoo tabiyey sanadka markii uu ahaa 2019-kii xilligaas oo kabtan u dhashay dalka Uganda uu is-dilay ka dib markii uu toogasho ku dilay saaxiibkiis. Illaa haatan ma cadda sababta keentay falkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM