TOOS: Furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare iyo Farmaajo oo ka baaqday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u furmaya kalfadhigiisa 5aad, iyadoo munaasabada furitaanka ay kasoo qeybgaleen mas'uuliyiin uu kamid yahay Ra'iisul Wasaare Khayre.

Jahwareer xooggan ayaa ka taagnaa mudo saacado ah furitaanka, kadib markii uu Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu soo galay hoolka, islamarkana sheegay inuu isaga furayo, taasoo gudoonka uu ka biyo diiday, maadaama dastuurka u ogolaanaynin.

Khayre ayaa kulan gaar ah la yeeshay gudoonka Aqalka Sare oo isku dayay inuu ku qanciyo inuu isaga furo kalfadhiga, balse taasi laga diiday, waxaana loo ogolaadey oo kaliya inuu kamid noqday mas'uuliyiinta ka qeybgalaysa munaasabada.

Farmaajo ayaa ka baaqday inuu furo kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare, isoo ku sugan Muqdisho, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysa arintan, iyadoo ay xusid mudan tahay inuu Madaxweynaha furay maalmo kahor kalfadhiga 5aad ee Gollaha shacabka.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Aqalka Sare uu sanadkii tagey hakiyay wadashaqeyntii Gollaha Shacabka, kadib markii 2017 iyo 2018 la hareer mariyay ansixinta miisaaniyadda dowladda.

HALKAN TOOS UGA DAAWO XAFLADDA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM