Wararkii ugu dambeeyay Banaabaxa looga soo horjeedo shirka shidaalka ee London

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

LONDON, UK - Waxaa magaaladda London ka socda banaanbax ballaaran, oo looga soo horjeedo Shirka looga hadlayo Shidaalka Somalia, kaasoo la sheegay in lagu beecinayo si xaraash kheyraadka dalka.

Shirkad ajnabi ah oo lagu magacaabo Spectrum ayaa soo qaban-qaabisay Shirka London, iyadoo ku casuuntay wafdi ka socda dowladda Federaalka, oo uu hogaaminayo wasiirka Batroolka, C/rashiid Maxamed Axmed.

Spectrum ayaa sahmin ku sameysa goobaha uu ku jiro Shidaalka Somalia, iyadoo xogtaasi ay usoo bandhigayso Shirkado daneeya maalgashiga Shidaalka dalka, kuwaasoo la sheegay in laga iibinayo ruqsado.

Villa Somalia ayaa beenisay in Shirka lagu iibinyo Shidaalka, iyadoo sheegtay in ujeedka loo qabanayo ay tahay in lagu soo bandhigyo natiijadda baaritaanka lagu sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM