​TOOS: Xafladda doorashada Madaxweynaha oo bilaabatay

Image

MUQDISHU, Somalia- Xafladda doorashada Madaxweynaha dowladda Somalia, ayaa imminka si toos ah uga bilaabtay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, taasoo ay ku tartamayaan 22 mudane oo u taagan xilkaas.

Waxaa hadda socda hagaajinta fadhiga mas'uuliyiinta iyo Xildhibaanada codayn doonta taasoo ay hagayaan guddiga doorashada Madaxwynaha.

Guddoomiyaha guddigaas Cabdiraxmaan Ducale Bayle, ayaa sheegay inay goor-dhow bilaaban doonto codaynta doorashada Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia.

328 mudane ayaa goobta doorashada ku sugan, sida uu sheegay Guddoomiye golaha Barlamanka Somalia, waxaana hoolka lagu dhaariyay Xildhibaano cusub oo gaaraya 4 mudane.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xafladda doorashada furay, waxaana goobta lagasoo jeediyay wacdi uu akhriyay Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Amniga Muqdishu ayaa aad loo adkeeyay gaar ahaan nawaaxiga xarunta Afesiyooni oo ay ka dhacayso.

Ilaa xalay loollan adag ayaa kasocday Muqdishu, taasoo murashaxiinta ku doonayaan inay ku hantaan kursiga ugu sareeya Somalia.

HALKAN KA DAAWO DOORASHADA MADAXWEYNAHA SOMALIA EE KA SOCOTA AFESIYONE

GAROWEONLINE

Related Articles

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM