Trump oo ka hadlay askarigii Mareykanka ee lagu dilay Soomaaliya

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha dowlada Mareykanka, Donald Trump ayaa wuxuu ka tac-siyadeeday weerarkii ay Al-Shabaab ku dileen Askari Ameerikaan ah, kaasoo ka dhacay shalay duleedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubba Hoose.

Weerarka oo laga soo wariyay tuulada Bar Sanguni oo dhaw degmada Jamaame taasi oo 45 KM ujirta Kismaayo, ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 5 kale oo uu ku jiro Askari Kenya u dhashay. [Halkan ka akhri Warka].

Trump ayaa wuxuu ku tilmaamay dhamaan xubnahaan, midka la khaarjiyay iyo kuwa dhaawacmay "Geesiyaal" isagoo si gaar ah eheladooda uu sheegay inay la qeyb-sanayaan murugadda iyo xanuunka.

"Murugadeyda iyo ducadayda waa kuwa la jira qoysaska ciidamadeena, kuwaasoo midkood lagu dilay, iyo saaxiibadiisa, kuwaasoo ku dhaawacmay Soomaaliya," ayuu Trump soo dhigay Boggiisa Twitter-ka.

"Run ahaantii, waxay ahaayeen Geesiyaal," ayuu hadalkiisa raaciyay Trump.

Waa markii ugu horeysay oo Mareykanka uu qirto in Askar looga dilay, loogana dhaawacmay howlgalkiisa Soomaaliya, iyadoo uu noqonaya Askarigii labaad oo looga khaarijio dalka muddo Labo sano gudahooda ah.

Weerarka lagu dilay Askarigan oo aan wali la shaacin magaciisa, ayna ku dhaawacmeen tiraada kale, ayaa waxaa uu ku bilowday Hoobiyaal, iyadoo uu xigay dagaal toos ah, kaasi oo ka dhashay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM