Turkiga oo diyaarad drone ah ka dejiyey gobolka Gedo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Dowladda Turkiga ayaa si toos ah wuxuu ugu milantay xiisadda gobolka Gedo ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Jubaland, talaabadaas oo curyaamin karta in doorashooyinka Soomaaliya waqtigooda ku dhacaan.

Sidda ay sheegayaan macluumaadyo lagu kalsoon yahay, Ankara ayaa diyaarad drone ah waxay u dirtay magaalooyinka ay xukuumadda waqtigooda sii dhacayo ka arimiso ee ka tirsan gobolkan xuduudka dheer la leh waddanka Kenya.

Tani ayaa daba-socota ka gedaal markii maalmihii lasoo dhaafay ay dowladda federaalka ku daabushay gobolka Gedo ciidamo uu Turkiga tababaray kuwaasoo kala ah kumaandooska loo yaqaano Gorgor iyo booliska Haramcad.

Go'aanka uu Turkiga diyaaradda drone-ta ah ku geeyay gobolka Gedo ayaan kaliya xasilooni-daro u horseedeyn Soomaliya balse waxay dab kusii shideysaa dagaal-wakiileedka Geeska Afrika.

Tan iyo markii uu xafiiska yimid madaxweyne Farmaajo, waxaa xoogeysatay saameynta Turkiga Soomaaliya taasoo waqtigii dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud ka bilaabatay maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha sidda dekadda iyo garoonka diyaaradaha caasimadda Muqdisho.

"Turkiga wuxuu taageero sahay u siinayaan ciidanka dowladda federaalka ay geysay gobolka Gedi si ay uga takhalusaan askarta daacadda u ah madaxweyne Axmed Maxamed Islaam," ayay sheegeen illo wareedyadda la hadlay GO.

Sanadkii 2017-kii, Turkiga ayaa Muqdisho ka dhistey saldhiga milatari ee ugu balaaran ee uu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa, waxaana qarashka ku baxay dhismaha xeradaas lagu qiyaasay aduun lacageed dhan 50 milyan Doolar.

Madaxweyne Recep Tayib Erdogan ayaa Soomaaliya u ah meel istaraatiiji u ah qorshaha uu ku doonayo in uu ku hanto badi wadamadda qaarada Afrika.

Golaha Midowga Murashaxiinta oo dhowaan qoraal u diray safaaradda Turkida ee Muqdisho ayaa ka codsaday in ay dib-u-dhigaan hub ay sheegeen in ay ugu deeqayaan ciidamadda Soomaaliya sabab la xiriirta mar-xalada lagu jiro.

Mid kamid ah qoraaladaas uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online ayay Ankara kaga digeen in ay dhexdhexaad ka noqon weydo is-qabqabsiga doorashooyinka markii danjiraha Ankara la kulmay guddiyada la isku hayo.

Wargeyska The African Report ayaa horaantii sanadkan 2020 wuxuu baahiyey in Turkiga iyo Qadar ay isku kaashanayaan sidii ay kursiga ugu difaaci lahaayeen Farmaajo "si aysan u booska u gala wareegin dalal kale oo Khaliijka ah sida Imaaraadka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Falkan wuxuu qeyb ka yahay toogashooyin qorsheysan oo caasimada Soomaaliya ka dhacayay maalmihii dambe.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 05:26AM

Wadamada Islaamka oo ka dhiidhiyey xadgudubyada ka dhanka ah Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ka qeybgalay shirka lagu cambaareeyay Itoobiya.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 05:16AM