Turkiga oo gargaar bani’aadantinimo u fidiyay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mahamuud Moallim Abdulle ayaa maanta waxa uu shixnad mucaawino gargaar ah ka guddoomay Hay'adda IHH oo ah Hay'ad Turki ah kana shaqeysa caawinta iyo bini'aadamnimada.

Shixnaddaan gargaar ayaa iskugu jirta Raashin, Marakaneeco, Baco ay roobka uga ganbadaan Qoysaska ka barakacay daadadkaan, iyo Qaybaha kala duwan ee Macuunta.

Gargaarkaan ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo Shacabka Soomaaliyeed ee daadadka #ElNiño iyo fatahaadaha ay sameenta ka soo gareen, kuwaas oo haatan wajahaya nolol adag.

Gobollada dalka ayaa dhawaanahan ka dhacay duufaano ay ku dhinteen dad badan oo shacab ah kuna burburay, halka ay ku barakaceen in ka badan 500 Kun oo qof.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Marxalad Xasaasi ah iyadoo aan Laheyn Waddo Cad oo Doorashada ah

Arrintan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed iyo kala-guurka dimoqraadiyadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 02:53PM

Xasan Sheekh oo casuumad rasmi ah u diray siyaasiyiinta mucaaradka

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegay in ka caga-jiidayaan ka qeybgalka kulanka, maadaama ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 09:33AM