Turkiga oo la wareegay hogaanka talis saameynaya biyaha Soomaaliya

Image

ANKARA, Turkey – Turkiga ayaa wuxuu rasmi ah u hogaamin doonaa taliska wadajirka ah ee burcad-badeeda kula dagaalamaya Gacanka Cadan iyo hareeraha xeebaha Soomaaliya ee Badweynta Hindiya.

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa Sabtidii waxay war qoraal ku sheegtay in isbedelka hogaanka oo soo bilowday 25-kii June ee sanadkan 2020 uu dhamaanayo bisha December 10-keeda.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ka kooban yahay ciidamo ka kala socda wadamada; Mareykanka, Brazil, Baxreyn, Britain, Japan, Kuuriyadda Koonfureed, Kuwait, Pakistan, Cumaan iyo Turkiga oo September u diray markab dagaal.

Ciidamadda Badda Turkiga ayaa tan iyo bishii Febraayo sanadkii 2009-kii ka qeyb-qaadanaya ololaha wadajirka ah ee lagu baacsanayo shufta-badeeda gobolka, waxaana uu hogaan u noqdey shan jeer.

Howlgalkaan oo la aas-aasay Febraayo 2002-dii ayaa ujeedkiisu yahay la dagaalanka argagixisada badda ee Bariga Dhexe, Afrika iyo Koonfur Aasiya, sidda ku xusan heshiis ay kala saxiixdeen dalalka.

Gaashaanbuurtan ayaa ka howlgala Badda Cas, Gacanta Carabta, Gacanka Cadan, Badda Carabta iyo Badweynta Hindiya.

Biyaha Soomaaliya waa mid kamid ah kuwa ugu balaaran oo ay ka dhacaan kalluumeysiga sharci daradda ah, arrintaas oo caqabad ku noqotay wax-soosaarka maxaliga ah iyo maraakiibta klae ee caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM