Turkiga oo lala xiriiriyey xasiloonida darada iyo argagixisada Soomaaliya

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa ku eedeysay Turkiga in uu taageero u fidiyo kooxaha hubeysan ee dagaalka kula jira Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Caadil Al Jubeyr, wasiirka arrimaha dibada Sacuudiga, ayaa sheegay in Ankara ay argagixisada Soomaaliya ku garab siiyo taageero maaliyadeed, "iyadoo u marineysa mashaariicda".

Al Jubeyr oo wariyeyaasha kula hadlay Bucharest, caasimada Romania, ayaa ku waaniyey maamulka Recep Erdogan in uu ka baaqsado "arrintaas oo xoojineysa xasilooni darada".

"Turkiga waa in uu joojiyaa duulaanka uu ku hayo Soomaaliya, Libya iyo Suuriya iyo taageerada maleeyshiyaadka dalalkaas. Waa in uu ka baxaa dalalkaas Carbeed si ay uga soo kabtaan dhibaatada," ayuu ku daray, isagoo aan soo bandhigin caddeymo xoojinaya eedeyntiisa.

Turkiga ayaa kamid ah dalalka saaxiibada dhow la ah xukuumadda Nabad iyo Nolol tan iyo doorashadii 8-dii Febraayo 2017, taasoo uu kusoo baxay madaxweyne Farmaajo.

Wallow ay jirto cabasho, Turkiga ayaa haatan maamula kaabeyaasha dhaqaale ee dalka sidda garoonka diyaaradaha iyo dekada Muqdisho, halkaasoo ay ka timaado lacagta ugu badan.

Ankara ayaa haatan wada dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, wallow ay hakad geliyeen weeraro ka yimid Al-Shabaab oo ku eedeysay Turkiga "boobka kheyraadkeena".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 02:57PM

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

Abaalmarintani waxay marqaati u tahay go’aankeenna adag ee ah dhismaha mustaqbal ifaya oo bulshada Soomaaliyeed u horseeda fursado.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 09:38AM