Turkiga oo shaaciyay xilliga uu shidaal qadista ka bilaabayo Soomaaliya

Image
Bishii March, Muqdisho iyo Ankara ayaa kala saxiixday heshiis la xariira dhinaca Shidaalka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dhinaca Gaaska.

ANKARA, Turkey — Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa xaqiijiyey in ay goob kamid ah Badda Soomaaliya, ka sameynayaan baaris Shidaal ayna qoditaanka bilaabayaan sannadka 2025-ka.

Bayraktar oo la hadlayay Tvga gaarka loo leeyahay ee NTV ayaa sheegay in talaabadan ay fasax uga haystaan dawladda Faderaalka Soomaaliya kadib heshiiskii ay kala saxiixdeen bishii lasoo dhaafay.

Bishii March, Muqdisho iyo Ankara ayaa kala saxiixday heshiis la xariira dhinaca Shidaalka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dhinaca Gaaska.

Heshiiskaas ayaa waxaanan laga haynin tafaasiil badan mana jirto cid ka bixisay fahfaahin dheeraad ah dhanka Soomaaliya, marka laga reebo sheegashada Turkiga.

Sikastaba ha ahaatee, dhawaawa Turkiga ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli muddooyinkii ugu dambeeyay uu si weyn hoos ugu dhacay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka kaas oo ka caroodey isku soo dhowaanshiyaha Muqdisho iyo Ankara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM