Turkiga oo shaaciyey cadadka lacag uu bil walba siiyo DF Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horeysay waxay si rasmi ah ugu dhawaaqdey cadadka lacag ay bil walba siiso Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Mehmet Yilmaz, danjiraha Turkiga u fadhiya Muqdisho oo wareysi gaar ah siiyey laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, ayaa banaanka soo dhigay in lacagtaas ay gaareyso 2.5 milyan oo Doolar.

Diblumaasiga ayaa ku nuux-nuux saday in lacagtaas ay ku kabaan Miisaaniyadda dowladda si loogu socod-siiyo shaqooyinka.

"Waxaan rajeynaynaa in aan bixi doono 2020," ayuu raaciyey, isaga oo u muuqda mid xaqiijinaya in aysan wali bixin lacagta sanadkan afartiisii bilood ee u horeysay aynu ku guda jirno.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wasiirka maaliyadda Soomaaliya, ayaa horey u xusay in lacagtaas ay si toos ah ugu soo dhacdo Bangiga Dhexe ee dalka isla markaana ay dowladu maamusho.

Ankara ayaa sanadihii lasoo dhaafay maalgashi balaaran waxay ku sameysay Gudaha Soomaaliya. Shirkado laga leeyahay dalkaas ayaa maamula garoonka diyaaradaha iyo dekada Muqdisho.

Muqdisho ayay ka dhisatay safaaradda ugu balaaran oo ay ku leedahay guud ahaan caalamka, si lamid ah, saldhig ciidan oo lagu tilmaamay mid ugu baaxadda weyn oo ay ku leedahay dibadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dastuurka iyo Doodda Taagan: Is-bahaysiga Mucaaradka oo kordhiyay cadaadiska Villa Somalia

Madaxda Puntland iyo Jubaland, oo uu weheliyo Golaha Mustaqbalka, ayaa dalbanaya in shirka lagu qabto xerada Halane.

  • Soomaliya

    11-02-2026

  • 01:30PM

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM