Turkiga oo muwaadiniintiisa kala baxay magaalada Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah waxay u bilowday in ay muwaadiniinteeda kala baxdo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sabab la xiriirta cabsida laga qabo faafitaanka fayruska Corona.

Go'aankaan ayaa kasoo baxay madaxweyne Recep Tayib Erdogan, wuxuu kamid yahay talaabooyinka lagu xakameynayo cudurka.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa daabulitaanka muwaadiniinta ku sheegay "ku maalgaar".

Balse ma aysan muddeynin xiliga ay ku eg-tahay, taas oo xoojisay jahwareerka, inkasta oo ay taagan tahay walaaca laga qabo Covid-19.

Muqdisho ayaa laga xaqiijiyey qeybta ugu badan 390 kiis oo ah Covid-19 guud ahaan Soomaaliya, waxaana u dhimatay 18 ruux kale.

Turkiga ayaa soo wariyey 108-kun kiis oo ah caabuqa faafa, in ka badan laba kun qof oo geeri ah iyo 25,582 oo illaa iyo haatan ka caafimaadey.

Go'aanka ay muwaadiniinta Turkiga uga baxeen Muqdisho ayaa kusoo aaday maalmo kadib markii ay khadka telefoonka kuwada hadleen hogaamiyeyaasha labada dal oo isla soo qaadey arrimo kala duwan.

Illo wareedyo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in diyaaradda qaadey 101 qof ee muwaadiniinka Turkida ay Muqdisho kusoo celin doonto 58 Soomaali ah oo xanuunka ku go'doomiyey gudaha Turkiga.

Afhayeenada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ayaa kamid ah xubnaha ku xayirmay qaar kamid ah magaalooyinka dalkaas.

Xukuumadda Ankara ayaa xulafa dhow la ah dowladda Farmaajo, waxayna bil walba siisaa aduun lacageed dhan 2.5 milyan oo Doolar-ka Mareykanka, taas oo lagu kabo Miisaaniyadda dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Ka Jawaabay xayiraadda Fiisaha : "Yurub Waxay Soo Celinaysaa Dad Aan Soomaali Ahayn"

Madaxweynaha Soomaaliya, ee mudo-xileedkiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaashaanka ku dhuftay go'aankaas.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 12:55PM

Xasan Sheekh Oo Taliye u magacaabey Guuto Cusub oo Ka Sammaayay Boosaaso, Puntland

Tallaabooyinkan ayaa sidoo kale dowladda ka sameysay gobollada Mudug iyo Nugaal, oo ay usoo dirtay siyaasiyiin Muqdisho mudo ku sugnaa.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 10:56AM