Turkiga oo Soomaaliya ku marqaati furay tuhun horey loo qabay

Image
Heshiiskan waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa kulanka dhawaan ka dhacaya Ankara.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in Itoobiya ay ogolaatay inay ixtiraamto madax bannaanida Soomaaliya, labadaba dhinaca dadka iyo dhulka.

Arrintan waxay ka dhigan tahay in laga noqday is-afgaradkii hore ee dhexmaray Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.

Sidoo kale, Soomaaliya waxay ogolaatay inay Itoobiya siiso marin badeed, iyadoo heshiiskaan ay saxiixi doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).

Heshiiskan waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa kulanka dhawaan ka dhacaya Ankara, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan.

Heshiiskan wuxuu caddaynayaa tuhun horey loo qabay oo ahaa in Dowladda Federaalka ay wax ka ogayd heshiiskii u dhexeeyay Somaliland iyo Itoobiya, balse ay diidday qaar kamid ah shuruudaha heshiiskaas.

Heshiiskaan ayaa yimid maalmo kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ay ku kulmeen dalka Jabuuti oo uu marti geliyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Dhanka kale, dhaliilayaasha dowladda ayaa aaminsan in buuqii iyo sawaxankii siyaasadeed ee dowladda Federaalka uu ahaa mid loogu talo galay in lagu khaldo ra’yiga shacabka. Ka dhiibo fikirkaaga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM