Turkiga oo ka hadlay ismiidaamintii khasaaraha dhalisay ee Afgooye

Image

ANKARA, Turkey – Turkiga ayaa xaqiijiyay in muwaadiniin ay kaga dhaawacmeen weerar is-miidaamin oo maanta ka dhacay aaga bood-boodka ee ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Shaqsiyaadka la beegsaday ayaa kamid ahaa shaqaalaha iyo Injineerada dhismaha wadada isku xirta Afgooye iyo magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in 15 qof oo isugu jira askar iyo howlwadeeno ay wax ku noqdeen qaraxaas aadka u xooganaa.

Idaacadda VOA-da oo tiradda dhaawacyadda gaarsiisay 20 ruux ayaa baahisay in saddex kale ay ku naf-waayeen weerarkaas.

Wasaaradda Caafimaadka xukuumada Ankara oo shaacisay in lix Turki ah ay waxyeelo kasoo gaartay falkaas ayaa hoosta ka xariiqday in laba kamid ah ay xaaladoodu tahay mid aad u daran.

"Bukaanada ayaa la dhigay Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan ee Muqdisho si loogu daaweeyo," ayay wasaasaradu ku tiri bayaan.

Dhanka kale, Mehmet Yılmaz, danjiraha Turkiga ee Muqdisho, ayaa sheegay in weerarkan uusan saameyn doonan taageerada ay siiyaan dadka Soomaaliyeed iyo dedaaladooda baacsiga argagixisada.

Dhinaceeda, wasaaradda gaashaandhiga Turkiga, oo cambaareysay dhacdadaas ayaa ku adkeystay "looma dhutin doono, waan sii wadaynaa garab istaaga dadka iyo dowladda Soomaaliya".

Turkiga oo ka howlgalaya Soomaaliya tan iyo 2011-kii kadib macluushii dilaacday ayaa dhowaan shaaca ka qaaday in mudadaas uu waddanka ku maalgeliyey aduun dhan hal bilyan oo Doolar-ka Mareykanka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM