Uganda Airlines oo kusoo biirtay tartanka suuqa hawada ee Soomaaliya

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Diyaaradda ee wadanka Uganda oo sanado kadib dib ugu soo laabatay hawada Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah u bilowday duulimaadyadda.

Tani oo xoojineysa tartanka duulimaadyadda caalamiga ah ee dalka ayaa waxay ka dambeysay markii is-afgarad uu dhex-maray mas'uuliyiinta Gadiidka Hawada ee labadda dowladood.

Uganda Airlines ayaa waxay haatan la loolami doontaa diyaaradaha Turkish Airlines, Ethiopian Airlines, Qatar Airlines, Kenya Airways iyo kuwa kale oo haatan ka howlgala waddanka.

Munaasabadda daah-furka duulimaadyadda Uganda Airlines oo ka qabsoontay garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa ka qeybgalay xubno dowladeed iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Inkasta oo mas'uuliyiinta ay ku tilmaameen tartanka cusub ee duulimaadyada caalamiga ah ee dalka mid kobac dhaqaale horseedaysa, haddana ma jiro isbedel ku yimid sicirka la siiyo Tikidka.

Intaasi waxaa wehlisa walaac ay muujinayeen shirkadaha diyaaradaha wadaniga ah, kaasi oo ah qaar kamid ah diyaaradaha caalamiga ay ka howlgalayaan gudaha dalka.

Maxamed Salaad Oomaar, wasiirka duulista hawada Soomaaliya, ayaa xaqiijiyey in diyaaradaha caalamiga qaarkood ay ku heshiinayaa in ay ka howlgalaan gobolada dalka.

"Balse laba magaalo dhexdeeda oo gudaha waddanka ah rakaab uma kala qaadi karaan," ayuu yiri Oomaar, oo wareysi siiyey dhowaan laanta Af Soomaaliga ee VOA-da.

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa waqti xaadirkan la sheegayaa in uu kamid yahay kuwa amniga wanaagsan, wallow ay jiraan dul-duleelo wax ka qabasho u baahan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM