Uganda: Waxaan howlgal ku dilnay 189 Al-Shabaab ah

Image

KAMPALA, Uganda – Taliska Ciidamadda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa guulo weyn ka sheegtay howlgal ay ku ekeeyeen goob ay ku sugnaayeen maleyshiyadda Al-Shabaab.

Deo Akiiki, afhayeen u hadlay ciidanka Uganda ee ka tirsan AMISOM, ayaa shaaca ka dhigtay in howlgalkooda ay ku beegsadeen degaanka Siigaale oo ay tibaaxeen in uu 100 KM u jiro magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

Howlgalkaas dhacay Jimcadii ayaa, sidda laga soo xigtay afhayeenka, waxay ciidamadda Uganda ku khaarijiyeen 189 xubno Al-Shabaab ah.

"Sidoo kale, waxaan burburinay agab military oo ay lahaayeen xoogaga hubeysan," ayuu ku daray, isaga oo aan cddeymo soo bandhigin.

Balse, ma uusan soo hadal qaadin waxyeeladda dhankooda kasoo gaarey howlgalkaas uu qeybta ka ahaa Don Nabasa, oo ah taliyaha ciidamadda dhulka ee Uganda, oo kamid dalalka askarta ugu badan ku leh AMISOM.

Ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashadda Uganda. Sidoo kale, dowladda federaalka iyo Al-Shabaab wali kama hadlin falkaas.

Al-Shabaab ayaa horey waxyeelo daran u gaarsiiyey ciidamadda Uganda ee kamid ah howlgalka AMISOM. Weerar ay ku qaadeen saldhig ay ku yihiin degaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaana ugu caansan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM

Midowga Africa oo Shir degdeg ah ka yeeshay go'aanka uu Mareykanku ku jaranayo dhaqaalaha howlgalka Soomaaliya

Mareykanka ayaa sheegay inuu tan iyo sannadkii 2007 ku bixiyay ku dhowaad $2 bilyan taageerada AMISOM iyo ATMIS.

  • Soomaliya

    03-07-2026

  • 04:25PM