Uhuru oo xaqiijiyay in Al Shabaab ay dishay 9 kamid ah Ciidamada Kenya

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa xaqiijiyay in 9 Askar oo kamid ahaa Ciidamada difaaca dalkiisa ay ku dhinteen weerar maalintii Axada ka dhacay duleedka degmada Dhoobley, ee gobolka Jubbada Hoose.

Uhuru ayaa sheegay in uu aad uga naxay warka ku saabsan geerida sagaalka Askari oo uu sheegay in lagu dilay weerar argagaxiso oo ka dhacay Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay Askarta geesiyaal naftooda u huray nabada Kenya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in Ciidamada Kenya ay sii wadi doonaan howlgalkooda Soomaaliya illaa laga ciribtirayo Al Shabaab.

Al Shabaab oo dhakeeda hadashay ayaa sheegay in 15 Askari oo u dhashay dalka Kenya ay ku dishay weerarka oo ahaa mid loo adeegsaday Miino wadada qarkeeda lagu aasay, taasi oo lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamada Kenya.

Qaraxa ayaa bur buriyay mid kamid ah baabuurta Kolonyada, oo kasoo gudbay dhanka xuduuda kuna sii jeeday saldhig ay Ciidamada Keny aku leeyihiin duleedka degmada Dhoobley.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM