UK: Dhakhtar Soomaali ah oo shaqo joojin lagu sameeyay

Image

LONDON, UK – Golaha Guud ee Caafimaadka Ingiriiska ayaa shaqo joojin hal sano ku sameeyay dhakhtar Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdi Yuusuf, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee UK.

Sidda ay Jimcada asbuucii hore daabacdey majalada afka dheer ee Daily Mail, Dr Cabdullaahi ayaa shaqada looga joojiyey sababo ku aadan in uusan English si fiican ugu hadli karin, una fahmi karin una qori karin.

Konton iyo kow [51] jirkan shan caruur aabe u ah ayaa dhakhtar ka ahaa magaaladda Manchester ee waqooyi-gableed Britain. Sidda ku xusan warbixinta, imtixaan badan oo laga qaadey ayuu ku fashilmay.

Sanadihii 2015 iyo 2017-kii, guddiyo anshax ilaalin ah ayaa la tabiyey in ay ku haleen dambi la xiriira "dhaqan-xumo". Balse waxay siiyeen fursad uu kusii shaqeeyo isaga oo xaaladihiisa si gaar loola soconayo.

"Bishii la soo dhaafay, dhageysi dib u eegis ah ayaa loo sameeyay Yussuf oo ku saabsan horumarka uu sameeyay laakiin maanta [Jimcadii] waxaa soo baxday in Maxkamadda Sare ee Dhakhaatiirta ay ka joojisay gabi ahaanba shaqadii ka dib markii uu u soo diray emayl af Ingiriisi jajaban oo ay ka buuxeen higgaadin iyo qaladaad naxwe ahaan isaga oo codsanaya in loo oggolaado in uu daaweeyo bukaannada Boqortooyada Ingiriiska kuna adkeysanaya ku hadalkiisa Ingriisiga yahay mid la aqbali karo," ayay Daily Mail shaacisay.

Caddeymaha kale ee shaqo ka joojinta Yuusuf loo cuskaday waxaa kamid ah in mar uu la shaqeynayey booliska waqoyga England ay luqadiisa cabasho ka gudbiyey bukaan "ku jahwareeray waxa uu ku hadlayo".

Bileyska Waqoyga England ayuu qiyaastii 2010-kii kala shaqeynayey sheybaarka baaritaanka cilmiyeysan. Cabashada bukaanka oo talooyin ka doonayey Yuusuf waxaa lasoo wariyey December, sanadkii 2013-kii.

Yuusuf ayaa England gaarey 2003-kii. Dhakharnimada wuxuu ku bartay dalkiisa hooyo. Balse wuxuu u socdaalay La Sapienza University ee magaalada Talyaaniga ka tirsan ee Roma si uu shahaado uga soo qaato.

Soomaaliya ayuu kadib ku laabtay maadaama uusan si buuxda u degin UK illaa qoyskiisa uu mar kale la yimid Britain sanadkii 2009-kii. Tababaro iyo shaqooyin yar-yar ayuu ku qaatay Manchester and Oldham.

Intii uu joogay waddanka Soomaaliya, wuxuu Yuusuf ka dhawaajiyey in uu daaweeyay dad sabool ah kuna dhacay safmareenka Coronavirus. Balse, masoo bandhign caddeymo xoojinaya dhamaan sheegashooyinkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM