UK iyo Kenya oo u midoobay la dagaalanka Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya - Boqortooyada Midowday UK ayaa waxay balanqaaday in ay Kenya ka taageeri doonto la dagaalanka argagaxisada iyo taakulayn cusub oo dhanka militariga ah shanta sano ee soo aadan.

Tani waxay qeyb ka tahay heshiiska iskaashiga difaaca (DCA) kaasoo labadda waddan ay isla meeldhigeen kadib wadaxaajoodyo goos-goos ah iyo kuwa rasmi ah oo wakiilo metelayay ay galeen.

Heshiiskan oo ay kala saxiixdeen xoghayaha difaaca UK Ben Wallace iyo xoghayaha gaashaandhigga Kenya Dr Monica Juma ayaa kor u qaadi doona isuduwidda iyo horumarinta amniga bariga Afrika.

"Britain iyo Kenya waxay si joogto ah u wada shaqeeyaan markay la macaamilayaan al-Shabaab, iyagoo u maraya tababar, wadaagid macluumaad iyo ogaanshaha qaabab cusub oo kooxda loogu bartilmaameedsado dhaqaale cunaqabateyn," ayuu yiri bogga Forces.net.

Warbixinta ayaa raacisay: "Iyadda oo la cuskanayo heshiiska jira, DCA-da cusub waxaa aas-aas u ah isdhaafsiga askarta militariga, iyadoo diirada la saarayo sare u qaadista fursadaha tababarka".

Ciidamada Ingiriiska waxay gacan ka geystaan ​​tababarka in ka badan 1,100 askari oo Kenyan ah sanad walba ka hor inta aan loo dirin Howlgalka Midowga Afrika si ay ula dagaallamaan al-Shabaab.

Howlgalka AMISOM ayaa hadda wajahayo hubanti la'aan baahsan oo la xiriirta joogitaankooda maadaama muddo xileedkooda uu si ramsi ah u dhamaanayo sanadkan aan hadda ku jirno 2021-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM