UK oo soo saartey digniin la xiriirta nooca doorashada Soomaaliya

Image

LONDON, UK – Nooc doorasho oo hal dhinac ah waxay wiiqeysaa dedaalada xasiloonida Soomaaliya, sidda ay ka digtay dowladda Ingiriiska, oo ku baaqdey in coddeynta nagu soo fool leh lagu aado hanaan la isla ogol-yahay.

Beesha Caalamka ayaa horey u xaqiijisay in aysan sharciyad heli doonin nooc doorasho oo dhinac gaar ah uu isku dayo in uu ku dhaqan-gelinayo doorashooyinka sanadka 2020-21.

Wakiilka UK ee kulankii maanta uu Golaha Ammaanka ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, James Roscoe, ayaa shaaca ka dhigay baahida si deg-deg ah loogu qabo heshiis wadajir ah oo looga gudbo mar-xalada kala guurka.

Heshiiskaas ayuu tibaaxay ahmiyada ay leedahay in uu damaanad qaado; qaabka ay dumarka ku helayaan qoondadooda 30%, iyo hanaan suurtagelinaya in dadweynaha ay soo doortaan hogaamiyeyaashooda.

Isagoo muujiyey in uu ka xun yahay maqnaanshiyaha madaxda qaar ee shirka DhuusamareebIII, Roscoe ayaa ugu baaqay in ay ku biiraan.

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, balse dowladda waqtiga kasii dhacayo oo ku fashilantay in ay fuliso halbeegyadii waxay dhalisay hubanti la'aan.

Shirka Dhuusamareeb 3 ayaa la filayaa in lagu helo heshiis siyaasadeed oo looga gudbayo xaalada kala guurka, wallow uusan wali furmin.

Dhanka kale, James Roscoe ayaa ku waaniyey baarlamaanka Soomaaliya in uu ansixiyo nuqulka Sharciga Galmada ee wasiirada u soo gudbiyeen, uuna joojiyo midka horyaala ee guurka caruurta ogolaanaya.

"Shuruucda uu meelmarinayo baarlamaanka Soomaaliya waa in ay waafaqsanaadaan nidaamka aduunka, isla markaana aysan ka hor-imaaneyn xeerarka caalamiga ah," ayuu ka dhawaajiyey Mr Roscoe.

Daneeyeyaasha ayuu ku booriyey in ay ka caawiyaan Soomaaliya la dagaalanka Covid-19 iyo argagixisada, isagoo cambaareeyay weerarkii Elite Hotel.

Ugu dambeyntii, suxufiyiinta Soomaaliya ayuu soo jeediyey in ay xorriyad u helaan baahinta wararka isla markaana aanan loo geysan xadgudub, arrintaas oo uu caddeeyay in ay aas-aas u tahay dimuqraadiyada waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM