UN-ka oo baaraya habka maaliyadda iyo canshuuraha ee Al-Shabaab

Image

WASHINGTON, US – Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa bilaabay baaritaan ka dhan ah nidaamka canshuuraha dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab, sidda uu sheegay mas'uul sarre oo la hadlay GO.

Talaabo u muuqata mid ay ku joogteyneyso howlgaladeeda, xoogaga ayaa la sheegay in ay soo rogeen nidaam canshuur qaadis oo mooryaanimo ah, iyaddoo beegsaneysa ilaha dhaqaalaha Soomaaliya.

Guddiga Khubarada UN-ka ee arrimaha Soomaaliya ayaa arrintaas daboolka kaga qaadey warbixin-sanadeedkooda 2019-kii.

Isagoo Garowe Online lasoo sameeyay xiriir dhanka email-ka ah, Matthew Rosbottom, xubin ka tirsan khubaradda, ayaa xusay in loo xil-saarey in ay baaraan goobaha ay ka timaado "maaliyadda".

Rosbottom ayaa intaas ku daray in ay sidoo kale dabagal ku sameyn doonan "khariiradda hanaanka canshuur-qaadista ee maleeyshiyaadka gacansaarka la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacida".

Iyaddoo la raacayo qaraar tirsigiisu yahay 751 oo soo baxay 1992-dii, golaha ammaanka ayaa yiri khubarada "waxay sameyn doonan falanqeyn ku saabsan dhamaan ilaha dakhliga ee Al-Shabaab, qaababka ay u keydiyaan una xawilaan, iyo khariiradeynta guud ee nidaamka sharci daradda ah ee canshuur qaadista, iyo talo soo jeedin ay sameyn doonan".

Maaliyadda Al-Shabaab, oo ah madax xanuunka ugu weyn ee Qaramada Midoobay iyo deeq-bixiyeyaasha, ayaa carqalad ku noqotay tirtirka kooxda, oo weeraro dhimasho badan sababa fulineysa.

Inkastoo falalka kooxda ay aad ugu yar yihiin caasimada Muqdisho, booliska ayaa qiray in ay wali awood u leedahay in ay dhamaan magaalooyinka waddanka ka fuliso weeraro waxyeelo daran dhaliya.

Xili ay hoosta ka xariiqday in ay kordhineyso khatarta Al-Shabaab, UN-ka ayaa cambaareeyay "dakhliga ay ka sameyneyso kheyraadka dabiiciga ah oo ay u dheer-tahay ka ganacsiga dhuxusha, isla markaana ay u wehliso canshuurista sharci daradda ah ee Sokorta, wax soo saarka beeraha iyo xoolaha".

Sidda uu tibaaxay Rosbottom, Golaha Ammaanka oo "ka walaacsan" awooda sii kordheysa ee Al-Shabaab u leedahay in ay keydiso isla markaana gudbiso kheyraad ayaa ka codsaday Guddigooda, Dowladda Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay Dambiyada iyo Mukhaabaraadka in ay dedejiyaan maxsuulka baaritaanka lagu dhawaaqay.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in goobaha ay Al-Shabaab lacagta baadda ah ka qaadato ay kamid tahay dekadaha magaalada Muqdisho.

Talaabada Golaha Ammaanka ayaa kusoo aadeysa iyaddoo Al-Shabaab la sheegay in sanadihii lasoo dhaafay xoojisay ololaha uruurinta dhaqaalaha isla markaana bishii ay Muqdisho ka hesho afar illaa iyo 5 milyan oo Doolar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM