UN-ka oo bogaadiyey talaabo ay qaadey Jubaland

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho, oo booqasho ku timid Jubaland.

Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha Doorashooyinka oo Dowlada Jubaland ay xalay soo dhamaystirtay xubnahii ku dhimanaa ee Aqalka Sare taas oo dardargalin doonta howlaha Doorashooyinka.

Marwo Anita Kiki Gbeho, ayaa Jubaland uga mahad celisay sida ay u ilaalisay qoondada haweenka ee aqalka sare iyadoo hoosta ka xariiqday in Qaramada midoobay ay tageerayso howlaha Doorashooyinka iyo sidii loo dardar galin lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:40PM

Muxuu Xasan Sheekh uga hadlay Khudbadiisii Shirweynaha Cimilada Afrika?

Wuxuu tusaale u soo qaatay abaartii ugu darneyd afartankii sano ee la soo dhaafay, taasoo saameysay 7.8 milyan oo qof.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 06:48PM