UN-ka oo ka hadlay weerarka Al-Shabaab ee Hotel Afrik

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa cambaareeyay "weerarka argagixiso" ee Hotel Afrik kaaso ay ku naf-waayeen in ka badan tobban ruux, kuna dhaawacmeen tobanaan kale.

Sidda ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay UNSOM laguna daabacay baraha bulshadda, ergayga Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa u fadhiya Muqdisho ayaa weerarkaas wuxuu ku sifeeyay "mid wuxushnimo ah".

"Waan ka naxnay weerarkan foosha xun ee wuxushnimada ah oo lagu beegsaday goob ay ku badan yihiin shacab aan waxba galabsan, waxaana ku cambaareynaynaa eryadda ugu adag," ayuu yiri James Swan.

Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas, waxaana ay intaas ku dareen in dagaalameyaal ayaga ka tirsan ay gudaha ugu daateen dhismaha halkaasoo ay ka dhex-dagaalamayeen ku dhowaad 8 saac.

"Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu murugada la wadaagayaa qoysaska dadkodoa ku waayay falkaas, wuxuuna soo kabasho deg-deg ah u rajeynayaa bukaanadda," ayaa lagu soo xiray warka qoraalka.

Qaar kamid ah safaaradaha reer Galbeedka ee xaruntoodu tahay magaaladda Muqdisho ayaa todobaadkan waxay ka digeen weeraro ay Al-Shabaab ku beegsan karto xarumaha dadka ku kulmaan ee magaala madaxda.

Bishii lasoo dhaafay ee Janaayo, ku dhowaad 40 qof oo isugu jira shacab, askar, mas’uuliyiin iyo oday dhaqameedyo ayaa ku dhintay 18 dhacdooyin amni daro oo ka dhaca caasimadda, sidda ay muujineyso xog-uruurin rasmi ah.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM