UN-ka oo ka hadlay weerarka Al-Shabaab ee Hotel Afrik

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa cambaareeyay "weerarka argagixiso" ee Hotel Afrik kaaso ay ku naf-waayeen in ka badan tobban ruux, kuna dhaawacmeen tobanaan kale.

Sidda ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay UNSOM laguna daabacay baraha bulshadda, ergayga Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa u fadhiya Muqdisho ayaa weerarkaas wuxuu ku sifeeyay "mid wuxushnimo ah".

"Waan ka naxnay weerarkan foosha xun ee wuxushnimada ah oo lagu beegsaday goob ay ku badan yihiin shacab aan waxba galabsan, waxaana ku cambaareynaynaa eryadda ugu adag," ayuu yiri James Swan.

Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas, waxaana ay intaas ku dareen in dagaalameyaal ayaga ka tirsan ay gudaha ugu daateen dhismaha halkaasoo ay ka dhex-dagaalamayeen ku dhowaad 8 saac.

"Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu murugada la wadaagayaa qoysaska dadkodoa ku waayay falkaas, wuxuuna soo kabasho deg-deg ah u rajeynayaa bukaanadda," ayaa lagu soo xiray warka qoraalka.

Qaar kamid ah safaaradaha reer Galbeedka ee xaruntoodu tahay magaaladda Muqdisho ayaa todobaadkan waxay ka digeen weeraro ay Al-Shabaab ku beegsan karto xarumaha dadka ku kulmaan ee magaala madaxda.

Bishii lasoo dhaafay ee Janaayo, ku dhowaad 40 qof oo isugu jira shacab, askar, mas’uuliyiin iyo oday dhaqameedyo ayaa ku dhintay 18 dhacdooyin amni daro oo ka dhaca caasimadda, sidda ay muujineyso xog-uruurin rasmi ah.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Jubaland

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay inay gabi ahaanba la wareegtay saldhigga iyo jasiiradda Kudhaa.

  • Soomaliya

    21-01-2026

  • 09:09AM

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM