Hogaanka Soomaaliya oo loo diray dalab ku aadan doorashada 2024-25

Image

NEW YORK, USA – Hogaamiyeyaasha Soomaaliya waa in wadahadaladda ay haatan leeyihiin ku xaqiijiyaan in coddeynta 2024-25 ay noqon doonto mid qof iyo cod ah, sidda ay dalbatay Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Dalabkaan ayaa kusoo hagaagaya xilli Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu shalay shir ka yeeshey arrimaha Soomaaliya, waxaana warbixin siiyey James Swan, oo ah wakiilka gaarka ah ee UN-ka u fadhiya Muqdisho.

Kulanka Golah Ammaanka ayaa diiradda lagu saarey ammaanka, la dagaalanka Al-Shabaab, doorashooyinka iyo arrimaha bini'aadanimadda.

Swan oo dalabkaas u diray madaxda Soomaalida ayaa sidoo kale wuxuu soo hadal-qaadey is-qabqabsiga ka taagan guddiyada maamulaya doorashooyinka 2020-21, isagoo ku baaqay in is-faham looga gudbo.

"Magacaabida guddiyadda waxay kasoo dib-dhacdey waqtigii lagu balamay [10 illaa 20 October, 2020," ayuu ku daray, isagoo u muuqda mid muujinaya ahmiyadda ay leedahay in la ilaaliyo jadwalka doorashada.

Guddiyadaas waxaa isku-haya dowladda iyo murashaxiinta oo sheegay in guddiyadda ay soo gudbiyeen Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle lagu soo daray saraakiil sirdoon iyo shaqaale dowladeed.

Diblumaasiga oo si dadban uga hadlay shirka murashaxiinta uga socda Muqdisho ayaa ku taliyey in la balaariyo isla markaana ay kasoo baxaan natiijo wax ku ool ah taasoo xalineysa caqabadaha amniga iyo siyaasadda.

Doorashadda baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya ayaa loo madalsan yahay in ay dhacdo dhamaadka bisha dambe ee December, halka tan madaxweynaha qorshuhu yahay in ay qabsoonto bisha Febraayo, sanadka dambe ee 2021-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM