UN-ka oo ka hadlay kulankii Addis Ababa ku yeesheen Farmaajo iyo Biixi

Image

WASHINGTON, US – Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay kulankii ay Addis Ababa ku yeesheen madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Somaliland.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo xafiiskiisa ku qaabilay labada dhinac ayaa agaasimay is-aragga Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi.

Isagoo la hadlayey Golaha Ammaanka, ergayga UN—ka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa bogaadin u jeediyey Abiy Axmed.

Sidda ku xusan war-saxaafadeed, shirka labada mas'uul ayuu ku qeexay in ay qeyb ka tahay xalinta arrimaha ka jira gobolka Geeska Afrika.

"Waxaan rajeynayaan in horey loogu sii socdo iyaddoo la qaadayo wadahadalo wax dhisaya," ayuu hadalkiisa kusoo koobay James Swan.

Kulankii Farmaajo iyo Biixi oo wali aysan caddeyn qodobadii looga hadlay ayaa ahaa midkii ugu horeeyay ee labada hogaamiye dhexmara.

Biixi ayaa tilmaamay in ay isla meeldhigeen in Abiy uu dhexdhexaadiyo labada dhinac, wallow uu diidey in ay kawada degaan magaalada Hargeysa.

Somaliland oo gooni u goosad ah tan iyo 1991-dii ayaanan wali aqoonsi caalami ah ka helin aduunka oo u arka maamul hoostaga xukuumadda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM