UN-ka oo shaaciyey khasaaraha madaafiicdii lagu weeraray Xalane

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa waxay si adag u cambaareysay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadey xarunta ugu weyn howlgalka Qaramadda Midoobay ee Muqdisho.

Xeradda Xalane oo sidoo kale ay degan yihiin safaarado iyo ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa lagu beegsaday dhowr madaafiic oo daryenkooda laga maqlay qaar ka tirsan xafaadaha magaalada.

Sidda laga soo xigtay illo wareedyo xog ogaal ah, dhowr hoobiyeyaal ayaa ku dhacay qaybo kamid ah xarunta UN-ka, taas oo dhalisay dhaawacyo soo gaarey xubno ku sugnaa gudaha dhismaha aadka loo ilaaliyo.

James Swan, ergayga Qaramada Midoobay u fadhiya Muqdisho, ayaa waxa uu ku tilmaamay weerarka "fal argagixisnimo oo cad" kaasoo ka dhan ah geedi u socodka dowladnimada, horumarka iyo gargaarka Soomaaliya.

"Nasiib wanaag, badi shaqaalaheena waa kuwa bad-qaba. Waxaana rajeynaynaa in saaxiibadeen dhaawacmay soo kabtaan," ayuu raaciyey, isaga oo aan kala caddeyn tirada.

Hay'addaha nabad-gelyadda ee Soomaaliya oo dhankooda si kooban uga hadlay falkan ayaa ka gaabsaday in ay ka xog-waramaan. Illo wareedyo ayaa khasaaraha gaarsiinaya dhaawaca in ka badan 5 xubnood.

Diblumaasigan Ameerikaan ah ayaa, sida ku xusan bayaanka, wuxuu hoosta ka xariiqay in "wax cudur daar ah aanan loo heli karin ficilad noocaan ah ee lagu car-qaladeynayo xasiloonida iyo horumarka Soomaaliya".

Madaafiicda ayaa kamid ah xeelahada dagaal oo ururka xiriirka la leh Al-Qaacida uu ku dagaalamo tan iyo markii laga saarey Muqdisho 2011-kii, waxayna ku beegsatay xarumo ay kamid tahay Madaxtooyadda Qaranka.

Falkan ayaa kusoo hagaagaya iyadda oo ay Soomaaliya isu diyaarineyso in ay 14-ka October 2019 ay u dabaal degto sanad-guuradii 2aad ee kasoo wareegatay musiibadii qaraxii Soobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM