UN-ka oo soo saarey baaq la xiriira xaalada HirShabelle

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Axada maanta ah wuxuu hoosta ka xariiqdey ahmiyadda ay leedahay in dhamaan daneeyeyaasha maamulka HirShabelle ay wada hadlaan.

Dhawaqan wuxuu imaanayaa xilli magaaladda Beledwayne ay ka badan laba bilood ka taagan tahay xiisad la xiriirta diidmo shacabka gobolka Hiiraan ka muujiyeen hogaanka cusub ee maamulkaas.

James Swan, ergayga Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa, ayaa kulan daaran xaaladihii ugu dambeeyay wuxuu maanta la yeeshay wasiirka arrimaha gudaha mukhtaar Afrax iyo madaxweynaha HirShabelle.

Kulanka oo ku qabsoomay hanaan fogaan araga ah ayaa diiradda lagu saarey sidii xal deg-deg ah looga gaarin xasaradaha ka oogan Beledwayne iyo talaabooyinka ay tahay in ay qaadaan mas'uuliyiinta.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee UNSOM ayaa daaha looga rogay in Swan uu ku nuux-nuuxsaday baahida weyn ee loo qabo in xal kasta ay qayb ka noqdaan dhamaan saamileyda dowlad goboleedka.

"Kulamo kala duwan oo uu la yeeshey Wasiirka Arrimaha Gudaha Jeneraal Mukhtaar Afrax iyo madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen 'Guudlaawe', ergayga UN-ka James Swan wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay wadahadal u dhaxeeya dhamaan saamileyda si dib-u-heshiin uga dhacdo HirShabelle – Qaramada Midoobay waxay u taagan tahay in ay taageerto dedaalada noocaas ah," ayaa lagu yiri bayaanka.

Guuldaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Hagar Maxamed ayaa hogaanka maamulkaas ku qabtay rabitaanka Villa Soomaaliya oo dhinac martay heshiiska awood qeybsiga ee lagu yagleelay maamulkaas.

Bulshadda gobolka Hiiraan ayaa doodooda waxay salka ku haysaa in heshiiska awood qeybsiga uu siinayo in ay leeyihiin xilka madaxweynaha waxayna diideen soojeedin ah in caasimada laga dhigo Beledwayne.

Xasarada Beledwayne waxaa horkacaya Jeneraal Xuud kaasoo bilaabay kacdoon hubeysan dagaal dhiig ku daatayna la galay ciidamadda dowladda isaga oo xusay in aysan aqbali karin wax aan ahayn madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM