UN-ka oo walaac ka muujiyey isku-dayo uu waddo gudoomiye Mursal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyey isku dayga afhayeenka Golaha Shacabka ku doonayo in uu Aqalka ku hor-geeyo xeer diidmo xooggan laga muujiyey.

Sidda lagu sheegay qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee howlgalka UNSOM, hindise-sharciyeedkaas ayaa ogolaanaya guurka caruurta.

Bayaanka kooban ayaa sidoo kale waxaa lagu caddeeyay in sharcigaas uu si toos ah uga hor-imaanayo Axdiyo kale oo heer caalami ah.

"Qaramada Midoobay waxay ka codsaneysaa Golaha Wasiiradda in ay dib u soo celiyaan Hindise-sharciyeedka Dembiyada Galmada ee asalka ah," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.

Hadalka Qaramada Midoobay ayaa kusoo hagaagaya xilli fadhigii maanta lagu wadday in ay mudaneyaasha Aqalka Hoose kaga doodaan xeerkaan uu hareeyay buuq ka dhashay qodobkaan.

Mudaneyaasha ayaa ku gacanseyray in ay meelmariyaan ajendaha, iyagoo si cad u sheegay in xeerkaan uu ka hor-imaanayo Diinta Islaamka.

Buuq kadib, Cabdiweli Ibraahim Muudey, ku xigeenka koowaad ee afhayeenka Golaha Shacabka, ayaa u sheegay Xildhibaanadda in qodobkaan ajendaha laga saarayo, arrintaas oo ay soo dhaweeyeen.

Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Xuquuqul Insaanka federaalka ayaa gedaal ka riixeysa xeerkaan, iyaddoo dhowr jeer oo ay horgeysay baarlamaanka kala kulantay weji gabax culus, mana cadda hadafka ay ka leedahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM