UNSOM iyo Itoobiya oo ka shiray doorashada Soomaaliya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Demeke Mekonnen, iyo ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa yeeshay wadahadalo dhanka telefoonka ah, sidda ay ku warantay warbaahinta dowladda dalka Ethiopia.

Sidda ku xusan warbixinta, wadaxaajoodka oo qabsoomay Khamiista maanta ah waxay labada dhinac isku-weedaarsadeen macluumaad iyo aragtiyo ku saabsan xaalada haatan ee Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika.

"James Swan ayaa uga xog-waramay Demeke geedi-u-socodka doorashooyinka Soomaaliya, rajooyinka iyo caqabadaha, xaalada siyaasadeed ee haatan taagan, khataraha amni ee maleyshiyada Al-Shabaab iyo walaacyadda la xiriira," ayaa lagu daabacay website-ka warbaahinta dowladda Itoobiya.

Guulaha ay illaa haatan gaareen dowladda federaalka iyo maamuladda ayay bogaadiyeen, ayaga oo hoosta kawada xariiqay baahida loo qabo in lasii wado gorgortanka si loo dhameeyo kala aragti-duwanaan jirta.

Xukuumadda Addis Ababa ee uu hogaamiyo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa gacansaar dhow la leh maamulka Farmaajo ee muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu ka dhamaadey iyadda oo aysan caddeyn qaabka uu waddanka uga baxayo mar-xalada kala guurka iyo hubanti la’aanta uu dhexda uga jiro.

Wargeyska The African Report ayaa sanadkii hore wuxuu daabacay in Itoobiya, Turkiga iyo Qadar ay ka shaqeynayaan soo laabashada Farmaajo.

Abiy iyo Farmaajo ayaa kawada shaqeynaya mashruuca Is-dhexgalka Geeska qaaradda Afrika kaas oo uu hakad geliyey safmareenka Coronavirus iyo colaadda ka qaraxdey gobolka waqoyga Itoobiya ku yaala ee Tigray.

Inkasta oo ay daaha gedaashiisa ka socdaan dedaalo ay madaxda Soomaalida shir guud isugu yimaadaan, hadana qodobadda la isku hayo waxay kala yihiin; guddiyadda maamulaya coddeynta, xulista wakiilada Somaliland iyo ciidamadda Villa Soomaaliya ku daabushay gobolka Gedo ee xadka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM